
Boqor Burhan Boqor Muuse oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa ka hadlay shirarka dhuusamareeb ee Madaxweynayaasha dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya.
Boqorka ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dowlada iyo shacabka Galmudug gaar ahaan madaxweyne Qoor-qoor oo martigeliyey shirkaas oo looga tashanayo danaha dadka iyo dalka.
Wuxuu baaq u diray dhamaan masuuliyiinta heer federaal iyo maaamulka goboleed isagoo ka codsaday in ay mar walba u tanaasulaan danta guud maadaama ay gacanta ku hayaan masiirka umadda Soomaaliyeed.
Ugu dambayn Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu duceeyey masuuliyiinta inuu ilaahey towfiiqda waafajiyo.
Hoos ka daawo shirka jaraa’id:
Horseed Media