Boris Johnson oo shir ku saabsan gurmadka abaaraha u yimid Muqdisho

Published: March 15, 2017

Xogayaha Arrimaha Dibadda ee Midowga Boqortooyada (United Kingdom) Boris Johnson ayaa safar aan horey loo sheegin qorshihiisa ku yimid magaalada Muqdisho. Safarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii 13 hay’adaha gargarka ee UK ay ku dhawaaqeen in gargaar degdeg ah lala gaaro Afrikada Bari.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Xogyaha Arrimaha dibadda ku soo dhaweeyey aqalka Madaxtooyada halkaas oo ay ku wada qaateen kulan gaar ah. Kulanka ayey uga ada hadleen xaaladda abaarta, doorka Britian ee gurmadka dadku saameeyeen abaaraha iyo weliba shir heerkiisu sareeyo ee arriaha Soomaaliya oo London ka dhacay sanadkan in wakhtiga rasmiga ah la isla qeexo ee shirku dhici karo.

Waxaa lagu wadaa in Muqdisho isla maanta uu ka dhaco shir qaylo-dhaan loogu dirayo caalamka in laga soo gaaro Soomaaliya, kaas oo uu a qaybgalayo Boris Johnson, waxaana ka qayb-qaadanaya qaar kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada ay abaaaraha ba’an ka jiraan.

Boris Johnson ayaa Muqdisho uga dhawaaqaya sida dowladiisa uga qayb-qaadanayso gurmadka loo samaynaayo dadka abaaruhu saameeyeen. Maalintii shalay ayaa Dowladda Ingriisku ku dhawaaqdey 5milyan oo lacagta giniga ah oo loogu deeqay dadka abaaruhu saameeyeen.

Qaramada Midoobey ayaa Muqdisho ka samaysey xarunta isku-xirka gurmadka abaaraha, markii u horeysey waxaana lagu ururiyaan dhamaan xogta la xiriirta abaarta iyo xaalkeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *