Bosaso: Ciidamo Ka Tirsan PMPF oo Tababar Loo soo Xiray-Sawiro / VIDEO

Published: March 3, 2017

Magaaladda Bosaso waxaa lagu qabtay Munaasabad ballaaran oo Tababar loogu soo xiray in ka badan 300 askari oo ka mid noqday ciidamadda badda Puntland ee PMPF.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ciidamada badda ee Bosaso, waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Wasiir K/xigeenka Wasaradda Kaluumaysiga , Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa degmadda Bosaso, Agaasimaha Ciidamada Badda Puntland, Taliyaha Ciidamada Badda, Saraakiil ka socotay dowladda Imaraadka iyo Marti sharaf kale.

Maxamed Suleymaan oo ah madaxa tababarada ciidanka Badda Puntland oo ugu horrayn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan cusub ay dhamayteen tababarkii iyo xirfadihii ciidanimo ee ay u baahnaayeen, haddana ay diyaar yihiin .

Wuxuu sheegay in tababarku wuu socday muddo 5 bilood ah, oo ay tababareen ciidamo ka badan 300 qof, kuwasoo si rasmi ah ugu biiray ciidamadda PMPF.

Taliyaha ciidamadda Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriya Faarax oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka carabta, isagoo tilmaamay in Tababarkan iyaga la`aantood uusan hirgalayn.

“dowladda walaalaheen ah oo iyagu Mashruucan tabababarka ciidanka badda Puntland samaysa hayday anaan lahayd dhaqaale iyo aqoon ahaanba” ayuu yiri

Agaasimaha Ciidamada Badda c/raxmaan Xaaji Xasan ayaa dhiniciisa wuxuu sheegay in ciidamada cusub ay si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada Badda Puntland, wuxuuna kula dardaarmay inay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan cadowga.

Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland C/raxmaan Kulmiye ayaa u hambalyeeyay ciidamada cusub ee tababarka dhamaystay, wuxuuna sheegay inuu ciidamada ay ka caawin doonaan wasaaradda ilaalinta xeebaha iyo khayraadka Puntland.

” Waxaan qirayaa in ciidanka uu dhamaystay tababar dhamaystiran oo caalami ah, sidee looga bartay Ciidamada PMPF-ka inay cadowga wiiqi doonaan

Mudadii ay socotay Munaasabada xiritaanka Tababarka, ciidamadu waxay soo bandhigeen dhooltus ay ku muujinayeen siday ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo ilaalinta dalka, waxaana la guddoonsiiyay qaarkood shahaadooyin iyo abaalmarino kale.

Gabagabadii, Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF oo la asaasay muddo lix sanno ka hor waxay ka howlgalaan dhammaan goboladda dalka , gaar ahaan degaamadda ku teedsan xeebaha Puntland, waxayna mudadii ay jireen ka qaybqaateen difaaca iyo ilaalinta xuduudaha Puntland.

Horseedmedia 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *