Bosaso: Ciidmada PSF oo fashilyey Qarax la dhigay goob Marfish ah oo lagu qayilo

Published: March 14, 2023

Qarax nooca dhulka lagu aaso ah ayaa la dhigay goob Marfish ah oo lagu qayilo taas oo ku taalla xaafadda Tuurta ee magaalada Boosaaso.

Ciidamada gaarka ah ee PSF oo gaaray goobta ayaa xiray iyagoo shacabkana ka fogeeyay.

Ciidamadan ayaa dadaal ay sameeyeen kadib ku guuleystay inay qaraxan goobta ka soo saaraan isagoo aan wax dhibaato ah geysan.

Aagga qaraxn lagu fashiliyey ayaa marar kala duwan sidan oo kale qaraxyo kale loo dhigay iyadoo lagu guuleystay in laga hortago.

Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyada la dhigay goobaha lagu qayilo ee isugu yimaadaan ciidamo iyo dad shacab ah.

Horseed Media