Bosaso: Dad ku dhintay qarax ka dhacay goob meherad

Published: February 15, 2023

Qarax nooca miinada ee dhulka lagu aaso  ayaa galabta ka dhacay goob meherad ah oo lagu qayilo oo ku taalla aaga xaafada Hillaac (Cali ma shaqeyste) ee Magaalada Bosaso. 

Inta la xaqiiyey 3 ruux oo mid ay dumar tahay ayaa ku geeriyootay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen ilaa dhowr iyo toban qof oo kale. 

Dhaawacyada oo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso halkaas oo hadda lagu dabiibayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas iyadoo aysan weli ka hadlin dowladda.

Horseed Media