Bosaso: Isimada Puntland oo ka hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood

Published: February 12, 2023

Isimada dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Bosaso oo ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa taageeray go’aamadii isimada dhaqanka SSC.

Isimadan oo kala ahaa Boqor Burhan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beldaje Salaad ayaa sheegay in aan xoog cidna lagu caburin karin oo lagu qabsan karin, ayna dadkaasi ka tashan karaan aayahooda iyo masiirkooda.

Isimadan ayaa Somaliland ku eedeeyey in aysan ka dhabeynin xabad-joojintii ay laba cisho kahor ku dhawaaqeeyo, iyagoo khalad ku tilmaamay dilalka iyo madaafiicda loo adeegsano dadka reer Laascaanood.

Isimada ayaa beesha caalamka ka dalvaday inay waxa Laascaanood ka socdo loo soo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baara dhibaatada halkaas ka dhacday.

Warka ka soo baxay Isimada Puntland ayaa ku soo aadaya xilli maanta uu dagaalkii ugu cuslaa uu ka dhacay duleedka Laascaanood iyadoo sidoo kale dugaha magaalada duqeymo lala beegsaday.

Horseed Media