BOSASO: Puntland oo hor-istaagtay diyaarad ay la socdeen wafdi ka socday DFS oo siday deeq gargaar ah

Published: July 11, 2022

Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad oo loo diiday in ay ka dagto Boosaaso, ayaa diyaaradii dib loogu ceshay, ka dib markii duuliyihii diyaaraddu codsaday Shidaal, loona ogolaaday shidaal qaadasho oo kaliya.

Wafdiga ay hogaaminaysay Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo diiday in ay dagaan oo ay wareejiyaan Deeq gargaar ah Daawo oo ay baahi weyn u qabaan bulshada gobalka Barri.

Madaxweynaha Puntland ayaa amray in aan Kusimaha Madaxweynaha Sacdiya dagi karin Boosaaso.

Iska horimaad ka dhashay arintan ayaa dhexmaray ciidamada PSF-ta & PMPF-ta, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *