12 February, 2021
Ururada Bulshada Rayidka ee abaabulan ayaa soo saaray Qoraal ay ku taageerayaan shirka lagu baaqay in…
Ururada Bulshada Rayidka ee abaabulan ayaa soo saaray Qoraal ay ku taageerayaan shirka lagu baaqay in la qabto 15ka Feberaayo si xal loogu helo caqabadaha weli hortaagan doorashada dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ururada Rayidka ayaa ku taageeray baaqii horey uga soo baxay Puntland, Jubaland iyo Aqalka Sare in shirka wadatashiga lagu qabto magaalada Muqdisho, isla markaana la balaariyo dhinacyada ka qeyb galaya.