Bulshadda Rayidka Puntland oo Soo Dhawaysay Furitaanka Nidaamka Axsaabta Badan

Published: March 26, 2017

Dallada Bulshadda rayidka ah ee Punsaa ayaa soo dhawaysay go’aankii guddiga doorashadda Puntland ay ku shaaciyeen in la fasaxay furashadda xisbiyadda siyaasadda puntland ee doorashooyinka gollayaasha degaanka.

Guddoomiyaha cusub ee Dallada Punsaa Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) oo shalay ka qaybgalay Xafladii ku dhawaaqista furitaanka xisbiyadda, wuxuu ku tilmaamayin bulshadda rayidku ay kaalin firfircoon ka qaadan doonoonto hanaanka dimoqraadiyadda ee puntland ku tallaabsatay, islamarkaaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan guddiga.

” Barnaamjikan dimoqraadiyada ee Puntland waa qayb ka mid ah howlaha ay qabato dallada Punsaa, waxaan ballanqaadaynaa in aan guddiga ka caawin doono tababarada,khibrad iyo in aan u fududayno waxyaabo badan” ayuu yiri guddoomiyaha PUNSAA

Dhinac kale, Waxaa caasimadda Garoowe lagu qabtay xaflad lagu sagootinayo Gudoomiyihii horre dalladda PUNSAA Nuur Shire Cismaan iyo Kuxigeenkiisii Saynab Ismaaciil, islamarkaaanalagu soo dhaweynayo Gudoomiyaha cusub ee dalladda Dr Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) iyo Kuxigeenkiisa Mustafe Cabdulaahi Cabdi.

Horseed Media 2017

 

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *