Burco: Xiabiga Kulmiye oo mar kale musharax Madaxweyne u doortey Biixi

Published: August 21, 2023
Shares10

Madaxweynaha Somalilan Muuse Biixi ayaa mar kale loo doortay musharaxa Madaxwweynaha Somailand ee xibsiga Kulmiye. Shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa ka socda magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Doorashada Madaxweynaha Somailand oo ahayd in ay dhacdo Nofeembar 13, 2022, ayaa meesha laga saarey kadib markii Muuse Biiixi loogu darey laba sano oo dheeraad ah, sidoo kale waxaa la soo hormariyey doorashada Xisbiyada. In Kulmiye u soo sharaxo mar kale Muuse xilka Madaxweynaha ayaa ka dhigan xisbiga oo aan weli soo guuleysan in uu ka noqdo muaharax.

Waxaa jira khilaaf aad u weyn oo gaarey in jamhad la baxdey Gacan Libaax ku dhex samaysmaan Somaliland, lamana oga sida doorasho la isla oggol yahay uga dhici doonto Somaliland dabayaaqada sanadkan oo lagu wado doorashada Xisbiyada.

Dhanka kale, Xisbiga Kulmiye ayaa maanta yeeshay guddoon cusub, waxaana hoggaamiyaha Xisbiga loo doortay Maxamed Kaahin Axmed oo isna hadda ah wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa oo gooni-goosad ku dhawaaqdey sanadkii 1991 ayaan helin aqoonsi, waxaana ay caalamka ka gadi jirtey in ay yihiin dad is doorta oo dioqraadi ah nabadna ay ka jirto, labadaas oo hadda ceel dheer ku dhacay.

Horseed Media