Burundi oo shaacisay tirada looga dilay weerarkii Ceel-baraf 

Published: May 4, 2022

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sarkaalka ayaa ayaa sheegay in 30 askari laga dilay, 22 kalena laga dhaawacay, halka tobaneeyo kalena la la’yahay.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka laga helayo Burundi ayaa sheegaya in ku dhawaad 400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *