Buuq xoogan kadib kalfadhigii Golaha shacabka oo furmay

Published: April 30, 2022

Buuq xoogan ayaa hareeyey kulan ay xarunta Villa Hargeysa ay ku leeyihiin xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan waday kaararka aqoonsiga.

Arrintan ayaa waxaa ku kala qaybsamay xubnaha baarlamaanka, taas oo keentay inay dood xoogan hareyso kulanka maanta ee Golaha Shacabka oo ah kii ugu horreeyey ee uu Goluhu yeelanayo, kadib doorashadii guddoonka oo dhacday 27/28-kii bishaan April.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *