C/kariin Xuseen Guuleed & C/raxmaan C/shakuur oo isbaheysi sameystay

Published: May 13, 2022

Qaar kamid ah Musharixiinta u tartamaya Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya oo dhaceysa 15-ka May ee maalinta Axada ah ayaa waxay bilaabeen inay isu tanaasulaan oo ay sameystaan ​​isbaheysi, si ay u xoojiyaan tartankooda.

Misharax Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xalay u tanaasulay Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, labaduba waxay ka mid yihii Musharrixiintii khudbaha jeediyay.

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u mahadceliyey Cabdikariin Xuseen Guuleed oo u tanaasulay iyo qof walba oo ka qeyb qaatay isbaheysigooda cusub.

“Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey C/kariin Xuseen Guuleed oo ii tanaasulay si guul looga keeno tartanka doorashada madaxtinnimada. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, xildhibaannada, Senatorrada, odoyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatada hawshaas qaybta ka ahaa” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebookga

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *