Caasha Geele oo ka qayb-gashey kulan Golaha Amaanka ee QM ay Soomaaliya uga hadlaayeen

Published: January 28, 2017

Marwa Caasha Geele Diiriye oo horey u ahaan jirtey Siyaasiyad haddana u dhaq-dhaqaaqda arrimaha Haweenka iyo dadka nugul ayaa lagu casumey in ay khudbad u jeediso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo warbhixin ka dhegaysanaayey Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating iyo Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira

Caasha Geele Diiriye ayaa ka hadshey doorka haweenka ee siyaasadda, doorashadi dhawaan lagu soo xuley Xildhibaanada Baarlamaanka, waxa ka hirgalay qoondadii haweenka iyo mustaqbalka haweenka Soomaalida.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bogaadiyey sida haweenka iyo djalinyaradu ay uga qayb-qaateen doorashadii ama soo xulidii Baarlamaanka oo ay ku leeyihiin door muuqda.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Michael Keating ee xilka la wareegay sanadkii hore ayaa awood saarey sidii haweenku ay uga dhex muuqan lahaayeen siyaasadda, waxaana ay haatan baarlamaanka ku leeyihiin 26% kuwaas oo ah Xildhibaano ku dhaw 70 marka loo bar-bardhigo Baarlamaankii hore oo ay ku lahaayeen 13% oo keliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *