© 2022 Horseed Media Group

Caasimadda Puntland ee Garoowe saddex waddo midkee qaadi doontaa?

In gole deegaan oo dhisan oo shaqeynaaya, weliba shaqo wanaagsan haya la kala diro ma ahan wax sahlan, in badan oo kamid ah bulshada Garoowe ayaa is weydiinaya sababta Madaxweynaha Puntland u kala diray golihii deegaanka ee caasimadda oo aan muddo xileedkoodi dhamaysan? Maxay ahayd danta ku jirtey kala diristooda? Maxaa xilligan ku soo beegay? Goorma ayeyse Garoowe dib u yeelan doontaa goleheedi deegaanka? Waa su’aalaha ugu badan ee ka dhashey kala diristii golaha deegaanka ee Garoowe.

Ugu horreyn, goloyaasha deegaanku waxay ku dhisan yihiin xeer la yiraahdo, Law nr 7, marka Madaxweynaha Puntland kala diraayo gole deegaan oo dhisnaa waxaa wareegtooyinkiisa kamid ah in uu sharci u soo daliilsado, inkasta oo qaabka uu u kala direy su’aalo badan la iska weydiin karo, ayaa haddana la is weydiinayaa in sharcigu yahay mid Madaxweynuhu sida uu rabo u dhigto oo degta u saaran isaga.

Sida uu qabo xeerka degmooyinka iyo gobolada haddii la kala diro golaha deegaanka waa in muddo 45 maalmood gudahood ah lagu soo dhisaa, taas waa mid aan ka shaqeyn Madaxweynaha agtiisa, umana arko in ay tahay sharci jebin, waxaana tusaale ugu filan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, haddaba Garoowe ma raaci doontaa kuwaas mise waxay sugeysaa inta doorasho qof iyo cod ah laga qaban doono, mise dhawaaqa isimada Nugaal ayey u hoggaansameysaa?

Baaqa Isimada

Labada Isin ee u waaweyn ee gobolka Nugaal Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase waxay maalintii xil-wareejinta guddoomiyihii hore sheegeen, in degmadu aysan ahaan karin mid aan lahayn gole deegaan inta sharcigu oggol yahay ka badan sidaas darteed, odoyaashu keenaan golihii deegaanka ee guddoomiyhaa cusub Cabdulqaadir Axmed Tuure la sii shaqeyn lahaa.

Baaqa isimada ayaa fariin u ah in aysan suurta gal ahayn sida uu Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ka sameeyey Gaalkacyo iyo Boosaaso ee baal marsan xeerka uu u cuskadey markii uu kala diraayey goloyaashii bulshadu soo dhisteen, Garoowe ilaa sanadkii 2005 muddo afar bilood oo isku xigta marna ma noqon mid aan lahayn gole deegaan.

Mashaarciida ku xiran gole-deegaan

Axmed Barre guddoomiyaha xilka wareejiyey waxa uu uu wareejiyey 47 milyan oo dollar oo mashaariic ah qaarkoodna socdaan kuwana ballan qaad adag yihiin, si loo filiyo mashaarciidaas oo ay u sii socdaan waxay u baahan tahay gole deegaan oo bulshadu leedahay, waxaana arrintaasi welwel weyn ku abuurtey in mashaariicdu dib u dhacdo ama lala noqdo bulshada caasimadda ku dhaqan.

Doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxa uu doonayaa in qaar kamid ah degmooyinka Puntland laga qabto doorasho qof iyo cod ah, ilaa bartamaha sanadka soo socda 2023, kuwaas oo Garoowe ka mid tahay, waxaana uu kala diristii golaha deegaanka ee Garoowe ciyaarayaa “playbook” hore oo uu isticmaaley magaalada Qardho, 30 maalmood ka hor doorashadii qof iyo cod ee saddexda degmo ayuu u magacaabey Qardho guddoomiye kumeel-gaar ah, sidoo kale waxa uu xilkii ka qaadey guddoomiyihii gobolka oo ahaa nin sumacad ku dhex lahaa bulshada dhexdeeda, waxaana uu geeyey duqii magaalada Qardho ee uu xilka ka qaadey, arrintaasi waxay ahayd olole doorasho iyo sidii ururkiisa KAAH doorashada natiijo fiican uga keeni lahaa.

Waxaa hadda muuqata in Madaxweyne Deni isku dayaayo mid la mid ah tii Qardho oo aan natiijo fiican u dhalin, guddoomiyaha cusub ee Garoowe mudane Aw-geeddi uu yahay musharaxa ururka KAAH ee doorashada Madaxweynuhu qorsheystey in laga qabto Garoowe iyo qayrkeed taas oo aan la ogeyn inta ay qaadan karto.

Doonitaanka Madaxweynaha ee hirgelinta doorasho qof iyo cod, wakhtiga ay qaadan karto, iyo mudada Garoowe ay bilaa gole deegaan ahaan karto ayaa u baahan in la is waafajiyo. In badan oo kamid ah bulshada Garoowe ayaa aaminsan in haddii la heli karo xildhibaano ku yimaada doorasho qof iyo cod ah oo xalaal ah, ay taas doonayaan, halka ay odoyaal ka sugayaan in ay soo xulaan, laakiin waxay shaki ka qabaan daacadnimada Madaxtooyada Garoowe oo la aaminsan yahay in ay iyadu caqabad ku noqotey barnaamijkii ay bilowdey 15 bilood ka hor.

Qardho markii la kala direy waa la yaqaaney xilliga doorashadu dhacayso, inkasta oo 7 bilood oo kale Dowladdu ay diidaneyd in ay fariisiso golihii sharciga ahaa ee shacabku soo doorteen, taas oo ahayd casharadii laga bartey doorashadii hordhaca ahayd, haddana u baahan in la saxo inaysan dib-danbe u dhicin.

Ugu danbeyn, Garoowe waxaa u furan saddex waddo midkii ay qaadi lahayd:

  • In ay hesho doorasho qof iyo cod ah, lana yaqaan marka ay dhacayso,
  • In ay ka daba tagto magaalooyinka waaweyn ee Madaxweynaha Puntland horey u kala direy goolihii deegaanka, ee markasta isagu magacaabo iyo,
  • In ay dib ugu laabato nidaamkii hore oo 45 maalmood gudahood ku yeelato gole deegaan oo beeluhu iska soo xuleen.

Horseed Media