Cabbaas: Diidmada Maraykanka ee Xabad-joojinta dagaalka Gaza waxay gacan siineysaa dambiyada dagaal ee Israel

Published: December 9, 2023
Shares64

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in diidmada qayaxan ee Mareykanka ee qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee dalbanaya xabbad-joojin bini’aadannimo ee Gaza kadhigan tahay inay qayb ka yihiin dambiyada dagaal ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Cabbaas ayaa sidoo kale sheegay in uu Mareykanka u haysto mas’uuliyadda dhiigga carruurta, haweenka iyo dadka reer Falastiin ee ku daadanaya marinka Gaza, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada.