Cabdi Maxamuud Cumar oo markale maxkamad kasoo hormuuqday cafisna dalbaday

Published: September 28, 2018

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, oo markale maanta kasoo hormuuqday maxkamad ku taala Addis Ababa ayaa cafis ka dalbaday dowlada Ethiopia gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Mr.Abiy Ahmed.

Hadalkan ayuu sheegay xili ay dacwad oogeyaasha maxkamadii la horkeenay ay dalbadeen in wakhti kale oo dheeraad ah loogu daro kiiska dacwada si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay dacwad oogayaashu ku soo oogeen Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana Cabdi Maxamud uu dalbaday in la cafiyo isaga iyo dadka kale ee la eedeysan.

Waa markii seddexad oo maxkamad la horkeeno madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana hore u jirtay in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xiran ay ka cabanayeen arimo dhowr ah sida in aysan qoraxaysan, iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay luuqaadaasi ku hadlaan.

Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, waxa uuna yiri”Ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan. Hore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaadaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna”

Si kastaba ha ahaatee 27-kii bishii August ayay ahayd markii Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kamid ahaa DDSI xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu soo eedeyay gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed,waxaana tan iyo xiligaas isaga iyo xubnaha la eedeysan ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa oo ay weli xukun sugayaal ku yihiin.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *