Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo loo doortey guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya – VIDEO

Published: January 22, 2017

Mudanayaasha Aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa maanta u fariistey in ay doortaan shirguddoonka Aqalka sare, waxaana ka qaybqaatey 52 Mudane oo kamid ah 54 Mudane e Aqalka sare ka kooban yahay.

Xilka Guddoomiyaha waxaa ku tartamey Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustaf Qodax. Doorashada ayaa amrtey hal wareeg waxaana cod aqlabiyad ah ku guuleystey Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Xaashi ayaa helay 43 cod halka ninka la tartamayey ee Qodax uu helay 9 cod oo kelya.

Mudane Xaashi ayaa ah nin waaya arag ah muddo dheerna ka soo tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, waa 70 sano jir, waxa uu horey u soo noqdey Wasiir dowladihii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya.

Xaashi ayaa noqonayaa guddoomiyihii u horeeyey ee Aqalka sare ee Soomaaliya abid yeesho. sida lagu sheegay taariikhdiisa waxa uu ku dhashey magaalada Baabili ee Itoobiya hoostagta, waxaana uu Aqalka Sare ka soo galay Somaliland.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *