Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Farmaajo wixii aan ka diidnay Rooble kama yeelayno

Published: June 6, 2021

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa ka hadlay talaabadii ay xukuumadda Xilgaarsiinta ku sheegtay in ay ku turxaan bixisay Gudiyada Doorashooyinka kadib markii xubno kamid ahaa ay ka saartay Guddiyada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay in aanay ku qanacsanayn talaabadan oo uu sheegay in aan loo marin hanaankii loogu talagalay ee turxaanbixinta isla markaana weli ay jiraan Xubno weli la tuhmayo oo Gudiyada Doorasho ku jira.

Waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay iyadu markii hore soo magacawday Gudiyadan xiligan ay iyadu sheegtay in ay turxaanbixisay isagoo hadalkiisa intaa ku daray in haba yaraatee Midowga Musharixiinta aan laga talagelin talaabada ay qaaday Xukuumadda.

“Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horeeyaan Midowga Murashaxiinta,Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha ,Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.”

Ayuu yiri Ccw

Hadalka Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili xalay ay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay shaacisay in Xubno kamid ahaa Gudiyada Doorashooyinka kuwaasoo wadar ahaan dhan 34 laga saaray Xubinimadii Gudiyada Doorashooyinka Qaran kadib markii lagu helay eedahii horey loogu soo jeediyay ee kamid ahaanshiyaha Shaqaalaha ,Ciidamada iyo Taageerayaasha Dowladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *