Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe

Published: July 14, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Dowlad Gboboleedka Puntland.

Cabdiraxmaan iyo wafdigiisa oo Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe lagu soo dhaweeyey ayaa la filaayaa in mari doona meelaha ugu badan ay joogaan dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo xil-saaray abaaraha iyo gurmadka socda ayaa horey u booqday deegaano ka tirsan maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle, halkaas oo uu qiimeyn guud kusoo sameeyey xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira goobaha uu gaaray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *