Cabdiraxman Cabdishakur oo diiday Kiiska Horyaal Maxkamada Racfaanka- VIDEO

Published: January 3, 2018

Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay inuusan hortagi doonin Maxkamada Racfaanka oo sheegay inay maanta 3da Janaayo dib u furayso dhageysiga kiiska dacwada ay soo gudbisay xeer illaalinta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay horey u sii deysay Maxkamada Darajada Kowaad oo laalshay kiiska dacwada Xeer illaalinta oo ku guuleysan weyday inay wax cadeyn ah horgeyso maxkamada.

Ciidamada dowlada ayaa habeenkii 17kii bishii December gudaha u galay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, halkaasi oo ay ku dileen shan askari oo ka tirsanaa illaalada siyaasaga, iyagoona xabsiga dhigay CC Warsame oo dhaawac fudud soo gaaray.

Hawlgalkaasi oo ay amartay Xeer illaalinta ayaa la xaqiijiyey inuusan xafiiska Xeer illaalinta u heysan wax waaran ah. Xeer illaalinta oo sheegtay inay cadeynmo kasoo heshay guriga siyaasiga ayaan ku guuleysan inay cadeyntaasi horgeyso maxkamada.

Maxkamada Darajada kowaad ee gobalka Banadir ayaa 21kii bishii December laalshay kiiska xoriyadiisan dib u siisay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xeer ilaaliyaha guud, Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ka horyimid go`aankii lagu siidaayey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu ku eedeey fal dambiyeed Qiyaano Qaran & Qaran dumis.

Filim uu xalay soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey Xeer illaaliyaha inuu ku xadgudbay xeerka iyo sharciga dalka isagoo sheegay in xarigiisii sharci darada ahaa uu keenay dilka shan kamid ah illaaladiisa, kuwaasi oo uu sheegay in dowlada ay xabaal wadareed ku aastay iyadoo aan meydka dadkaasi lasiin eheladooda.

https://youtu.be/DvyjxovOSEo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aysan jirin dacwad sax ah oo lagu heysto, isagoona sheegay inuu soo dhaweenayo dadaalada loogu jiray in xal loo helo khasaarihii ka dhashay weerarkii hoygiisa lagu soo qaaday, isagoo uga digay xeer illaalinta inaysan dalka dib uga hurin colaad isagoona sheegay in weerarka lagu hayo uu yahay mid siyaasadeed oo loo adeegsanayo dhaqaalaha xukuumada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *