Cabdiraxman Cabdishakur oo gaaray Dhuusamareeb – VIDEO

Published: August 25, 2020

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Waxaana kusoo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb masuuiyiinta deegaanka sida duqa magaalada, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo buslahad qaybaheeda kala duwan.

Cabdiraxman Cabdishakur ayaa u mahadceliyey dhamaan masuuliyiintii iyo shacabkii soo dhoweeyey, waxaana safarkani noqonayaa kiisii ugu horeeyey ee uu ku yimaado Dhuusamareeb tan markii la doortay madaxweynaha hadda xukuma galmudug Axmed Qoor-qoor.

Inta uu ku sugan yahay Galmudug ayuu booqasho ku mari doonaa deegaanadeeda, isagoona saacadaha soo socda gaari doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *