Cabdirisaaq Khaliif: “Puntland waxay lafdhabar u tahay SSC-Khaatumo, anaguna nafta ayaan u hureynaa”

Published: September 11, 2023
Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Siyaasiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa waraysi uu ku bixiyey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya sheegay in Puntland u tahay lafdhabarta dadka SSC-Khaatumo, maadama Puntland iyo dadkeeduba ay qayb ka ahaayeen halganka.

Mr Khaliif ayaa sheegay in mamaulka SSC-Khaatumo laga sugaayo shirweyen aayo ka tasho, kaas oo lagu casumaayo cidkasta oo halgankan qay ka ahayd ee naftooda ku waayey.

Dhismihii Puntland ayuu sheegay in bulshada SSC-Khaatumo ay ku mideysanaayeen oo Garaadada cidi ka maqneyn oo ay iyagu dhisteen, laakiin shakhsiga ahaan uu qabo in wax la wada lee yahay waxna gaar loo kala yeesho.

Mar la weydiiyey talaaabada ay qaadayaan haddii Puntland qalalaase ka dhaco maadaama doorashadii Puntland soo dhawaatey ayna muuqato xaalad hubanti la’aan ah, ayuu sheegay Cabdirisaaq Khaliif in ay qaadan doonaan door naf-hurnimo leh, wuxuu sheegay in SSC-Khaatumo jiritaankeeda ay ku xiran tahay jiritaanka iyo deganaanshaha Puntland.

“Puntland waa lafdhabartii dadka SSC-Khaatumo meelkasta ha joogeen, jiritaankeeda iyo xasiloonidooda waa waajib na saaran, waxaan u maraynaa waddo kasta oo lagu badbaadinaayo oo dhib looga badbaadinaayo haddii loo baqo, waxaan aaminsanahay biseylka Puntland iyo dadkeeduba ay gaadheen inaan loo baqeyn in qalalaase siyaasadeed ka dhaco, waa dhici kartaa in qof ama laba qof ay sku dayaan in ay xoog wax ku doonaan, laakiin ugu danbeyn isu tanaasul iyo wada hadal ayaa la gaari doonaa, haddiiba ay wax dhacaan door naf hurnimo leh ayaan ka qaadanaynaa”.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Cabdirisaq Khaliif waxa uu horey u ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, laakiin waxa uu ka horyimid maamulkaas markii ay diideen in ay joojiyaan weerarka Sool iyo xasuuqa loo gsyetey dadkaas, bilowgii halganka ayuu Laascaanood ku hadhey, ugu danbeyn waxa uu soo saarey qoraalo uu ku dhaliilayo taliska Muuse Biixi, ug danbeynw waxa uu is casiley xilkiisi bishii Juun ee sanadkan 2023.

Horseed Media