Cabdiweli Gaas: “…Madaxweyne Deni Wuxuu Helay Sirtii Naga Qarsooneyd..”

Published: August 15, 2020

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya oo soo noqdey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta ka qaybgalay xaflad shahaadooyinka lagu guddoonsiinaayey ururada siyaasadda ee Puntland ee ka soo gudbey wareegii hore ee kala reebidda.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in barnaamijka Dimoqraadiyeynta Puntland ay bilaabeen labadii xukuumadood ee ka horeysey tan maanta, laakiin sirta hirgelinta uu heley Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kadib markii wakhtigii ugu habboonaa uu bilaabey, sidoo kale guddiga uu u xushey ay qabteen shaqo wanaagsan.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa faallo kooban ka bixiyey halka loo socdo, wuxuu sheegay in nidaamka Dimoqraadiga ah oo la ‘aado aysan macnaheedu ahayn in barwaaqo la aadayo ee nidaamka dimoqraadigu sidiisa ayuu u fiican yahay waxayna ku xiran tahay ayuu yiri hadba sida loo isticmaalo.

In badan oo reer Puntland ah ama qaab qabiil ha noqoto ama qaab deegaan ha noqoto oo saluugsan ayaa jira, nidaamka hadda lagu jjto oo wax metalaad ah ku lahayn goloyaasha, dadkaas waxay filayaan in xaaladoodu isbeddesho marka dimoqraadiyadda la aado, waxaase dhici karta, in dadkii aan metalaada lahayn aysan isbeddelin oo sidoodi ahaato, marka maxay ka faa’ideen dimoqraadiyadda, waxaa muhim ah in aan loo fekerin si shakhsi ah ee loo fekero si guud.

Cabdiweli Cali Gaas

Xisbiyada ayuu kula taliyey in dadka ay soo xulayaan ka fiirsadaan, si aysan dimoqraadiyaddu uga darin

Ugu danbeyn ayuu sheegay in isagu aanu xisbina ka mid ahayn, waxna ka asaasin, waxaana uu kula kaftamey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaamiya Ururka Horseed, haddii uu guddoomiyinimadiisa hawlgab ka noqonaayo anigu diyaar baan u ahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 Comments

  1. “Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in barnaamijka Dimoqraadiyeynta Puntland ay bilaabeen labadii xukuumadood ee ka horeysey tan maanta, laakiin sirta hirgelinta uu heley Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kadib markii wakhtigii ugu habboonaa uu bilaabey, sidoo kale guddiga uu u xushey ay qabteen shaqo wanaagsan”

    Hadal meel waayey iga dheh….!, dadka soomaaliyeed waxay badankoodu aamin sanyihiin, In Punland tahay meel Qabyaaladu biyo dhigtay. taana waxaa kuu cadaynaya dadku sida ay uga niyad jabeen maamulka ka dhisan Garoowe ee geedka timirta ah looga taliyo. saaxiib ha iska indho tirin waxa jira gobolada bari, sool iyo sanaad iyo cayn. Punland waxay isu soo ururtay xaafad reer degan yahay, waxayna aad uga lee xatay nidaamkii lagu aas aasay ama loogu yagleel dhigay.
    waxayna cagta saartay wadadii burburka, waxaan jecelahay in dadka reer puntland amaba gebi ahaan soomaaliya in ka baxaan nimaakan markii horeyba keenay burburkii dawladii soomaaliyeed ee mar Africa ugu xooga waynayd. kaas ah nidaamka qabiilka, nin jeclaysiga, musuqmaasuga iyo wixii la mid ah. saaxiibayaal Punland waxay u baahan tahay badbaado dhab ah. oo ka fog qabyaalad iyo nin jeclaysi
    NB: waxaan filayaa in aad soo daabacdaan aragtidayda. ( waa haddii Horseed media ay tahay website miisaama aragtida akhristayaashiisa.
    waad mahad san tihiiin

    1. Waan kugu raacsanahay hadalka Gaas ee caalwaaga ama LA iska Yiri.

      Waxaanse kuu sheegi haddii xisbiyo loo guuray, hadal waxba tarimayee goobta iskeen, oo burhaantaada banaanka keen. Qof iyo Cod !!!!

  2. Adiga afkadheer is fiiri in lagu taliyo ma rabtid ama talo keen shisheeya budlaan ma dhaxal siineesid qof dumqrka waxa lagu yaqaan gutigeeda ma ahee midkala u hanqaltssto

  3. asc

    Anigu waxay iila Muuqataa inuu run sheegay beenlowgu, in Puntland ay horumarto, Amni hesho, gun adag loo dhidbon waa arin qof walba Masuuliyadu meeshiisa ugu imanayso, lagana rabo inta uu leeyahay ka qaato.
    waxaa jira su’aalo haddii la waydiiyo dadka maamulka dhaliila aysan jawaab u ahayn iyagana ku soo noqonaysa.