Cabdullaahi Cali Xirsi oo ku guuleystey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare

Published: April 26, 2022

Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa ku guuleystey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka. Doorashada ayaa martey laba wareeg waxaana ka qaybgalay 7 Musharax. Sen Timacadde ayaa helay codad gaaraya 30, halka musharaxa la tartamaayey Cabdullaahi Sheekh Fartaag uu helay codad gaaraya 23 cod, waxaa xumaadey.

Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa laga soo doortey Puntland, waxaana uu ka soo jeedaa magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, waa siyaasi khibrad dheer u leh siyaasadda Puntland, waxa uu la soo shaqeeyey ilaa afar Madaxweyne oo dowladkasta uu wasiir ka ahaa, Musharaxnimdiisa ayaa muran xooggan ka dhex dhalisey isaga iyo Musharax Siciid Deni oo u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana uu watey Ilyaas Beddel Gabboose oo wareegii hore ku harey.

Maanta waxaa soo idlaadey doorashadii Aqalka sare oo la dhamaystiray shir guddoonkii 4ta sano ee soo socota.

Guddoomiyaha Aqalka Sare: Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Guddoomiye ku-xigeeka kowaad; Cali Shacbaan Ibraahim
Guddoomiye ku-xigeenka labaad> Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *