Cabsida Covid19: Dalalka Caalamka oo joojiyey duulimaadyada UK

Published: December 21, 2020

In badan oo kamid ah dalalka Caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada Midowga Yurub ayaa gebi ahaan joojiyey duulimaadyada  uga imaanaya wadanka UK, kadib markii dalkaasi laga helay nooc cusub oo ah cudurka Covid19.

Noocan cusub ee cudurka Covid19 ayaa la sheegay inuu si fudud u faafo isla markaana ka saameyn badan yahay noocii hore, arrintan ayaa ku khasabtay in dowlada UK ay todobaadyada soo socda ee fasaxa lagu jiro shacabkeeda ku khasabto inay guryaha joogaan.

Cudurka Covid19 noociisan cusub ayaa maalmihii lasoo dhaafay si baaxadleh ugu faafay caasimada London iyo Koonfur-Bari dalkaasi.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *