Cadaado: Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la dhameystiray – VIDEO

Published: January 17, 2017

Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay xubnihii ugu danbeeyey ee guddiyada loo saaray qabanqaabada doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Go`aankan ayaa soo baxay xili uu magaalada Cadaado ku sugan yahay Cabdikarim Guuleed oo ay Xildhibaanada xilka ka qaadeen, walow Guuleed uu diidan yahay in xilka laga qaaday.

Waxaa muuqata in xukunkii xaalada degdegta ahayd ee uu Cabdikariim Guuleed kusoo rogay magaalada Cadaado aysan hakin shirarka u socda Xildhibaanada Galmudug oo intooda badan kasoo horjeestay xukuumadiisa.

Cabdikariim ayaa sidoo kale ku guuleysan waayey inuu taageero ka helo Oday dhaqameedka ku sugan magaalada Cadaado oo uu kulamo kala duwan la yeeshay.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *