Cali Geedi oo noqdey musharixii u horeeyey ee tartanka ka tanaasula – VIDEO

Published: January 26, 2017

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ku dhawaaqey in uu isaga harey tartanka kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dhacaysa 8 febaraayo 2017.

Mudnaasabad ka dhacdey Hotel City Place ayuu uga dhawaaqey Geedi tanaasulkiisa, waxaana ka hadley munsaabaddaas qaar kamid ahaa taageerayaashiisa.

Sababta ayuu sheegay in Musharixiintu ay yihiin kuwo aad u badan loona baahan yahay in ay isu tanaasulaan. Wararku waxay sheegayaan in uu u tanaasuley Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo goobta uu tanaasulka kaga dhawaaqey ku sugnaa.

Cali Geedi ayaa siyaasadda Soomaaliya soo galay markii u horeysey sanadkii 2004, markaas oo madaxweyne Cabdullaahi Yusuf (AUN) u magacaabey raysalwasaare, waxaana uu xilka iska casiley sanadkii 2007, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Cabdullaahi Yusuf, tan iyo markaas wax xil ah oo ka weyn la taliye ma aanu qaban.

Waxaa lagu wadaa sidaan oo kale in ay jiri doonaan Musharixiin tartanka ka hara kuwaas oo uga dhawaaqa goobo fagaare ah, ama si fudud dadkooda u dhexgala.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *