Caluula:Is-rasaasayn Dhexmartay Ciidamadda PMPF iyo Maleeshiyaadka Haysta Markabka Aris 13.

Published: March 16, 2017

Wararka ka imaanaya tuuladda Xaabo ee degmadda Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in israsaasayn koobani ay dhexmartay Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF iyo maleeshiyaadka haysta markabkaAris 13 oo ay toddobaadkan qabsadeen.

Guddoomiyaha Degmadda Caluula Cali shire Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in Dagaalku uu socday waqti kooban, uuna ayaa ka bilaawday, ka dib markii koox kale oo maleeshiyo ah oo watay Laanji yar ay isku dayeen inay u gudbaan Markabka, hase yeeshee ciidamadda Badda oo ku hareeraysanaa markabka ay ka horjoogsadeen inay gudbaan.

Guddoomiyuhu ma uusan xusin inuu jiro dhaawac iyo dhimasho ka dhashay israaasaynta, hase yeeshee warar kale ayaa sheegay inuu jiro askari ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Gabagabadii, markabka Aris 13ooku gooshayay Calanka Sri Lanka, ayna maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta waxaa maalintii isniintii ee Toddobaadkan qabsaday Maleeshiyaad sheegtay inay yihiin kalluumaysto dhibaatooyin ay u gaystay maraakiibta jiriifka ee ajnebiga ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *