Canada: Ninkii Geystey Xasuuqii Masjidka Qu├®bec oo Maxkamad La Horgeeyey

Published: January 31, 2017
Alexandre Bissonnett, sawirka Facebook

27 sano jir lagu magacaabo Alexandre Bissonnette asal ahaan ka soo jeeda dalka Faransiiska haystana dhalashada dalka Kanada ayaa la soo taagey Maxkamad ku taala Qu├®bec ee dalka Kanada waxaana lagu soo oogey in uu geystey xasuuqii ka dhacay Masjidka fiidnimadii Axadda.

Daqiiqado kadib markii uu xasuuqa geystey fiidnimadii Axadda ayuu waxay lanbrka gargaarka deg-dega ee 911 waxaana uu sheegay in uu dareemayo in uu yahay denbiike doonaayona in la qabto.

Ninkan ayaa loo haystaa deniba in uu diley 6 qof, iyo isku day dil oo gaaraya 5 nafood oo ka dhacay Centre Culturel Islamique de Qu├®bec.

Dadka la diley ayaa haystey dhalashada dalka Kanada waxaana ay asal ahaan ka soo jeedeen dalalka Marooko, Aljeeriya, Tuuniisiya iyo weliba Gini.

Qof kale oo Boolisku qabteen ayaa noqdey markhaanti halka markii hore saxaafaddu sheegtay in uu ahaa qof la tuhmey.

Ra’iisal wadaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa fal argagixiso ku tilmaamay weerarka Quebec, wuxuuna sheegay in uu garab taagan yahay Muslimiinta.

Qof ku sugnaa Masjidka marka xasuuqu dhacaayey ayaa sheegay in iyada oo salaada lagu jiro qof soo galay kadibna uu ku dhawaaqey “Alaahu Akbar” kadibna rasaasta ayuu furay, wuxuu sheegay in uu dhulka isku tuurey oo madaxa gacmaha saarsadey, saddex xaabo ay madixiisa ag mareen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *