Chile oo ku biiri doonta Dacwada Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Xasuuqa Israel ee shacabka Gaza

Published: June 2, 2024

Madaxweynaha Chile Gabriel Boric ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu ku biirayo Koonfur Afrika kiiskeeda maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) oo lagu eedeeyay Israa’iil “xasuuqeeda” shacabka Gaza.

Isagoo la hadlayay Congress-ka Qaranka, Boric wuxuu dhalleeceeyay “xaaladda bini’aadantinimo ee musiibada ah” ee Gaza wuxuuna ku baaqay “jawaab adag oo ka timaada beesha caalamka.”

“Chile waxay ka qeyb qaadan doontaa kiiska Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israa’iil ee hor yaal Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Hague,” ayuu yiri Boric.

Chile waxay Falastiin u aqoonsatay dawlad sanadkii 2011, Boric wuxuu hore u sheegay in dagaalka Gaza mid khaldan aana “la aqbali karin.”

Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore amar ku bixisay in Israa’iil ay joojiso hawlgallada milatari ee ay ka waddo koonfurta Qaza ee magaalada Rafah.

Weerarka xasuuqa ah oo ay Israa’iil ku qaaday Gaza ayey ku dishay inta la xaqiijiyey ugu yaraan 36,379 qof, oo u badan rayid.

Horseed Media