China oo baaqyo u kala dirtay Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka

Published: March 8, 2017

Dowlada China ayaa maanta oo Arbaca ah baaq u dirtay dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka inay hakiyaan dhaq dhaqaaqyada militari oo ay wadaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada China Wang Yi ayaa sheegay in looga baahan yahay in Kuuriyada Waqooyi ay joojiyaan tijaabinta hubkooda Nukliyeerka iyo Gantaalada, dhinaca kalena laga doonayo Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay joojiyaan iyaguna dhoolatuska militari oo ay wadaan.

“…Dagaalka maaha wadada xalka lagu gaari karo…” ayuu yiri Wasiirka China oo sheegay in xiisada hada taagan ay keeni karto dagaal iyo isku dhac militari oo galaafta gobalkaasi.

Wang Yi ayaa sheegay in hadii dhinacyadaasi joojiyaan hawlaha ay wadaan ay fursad siin karto in markale dhinacyadaasi isugu yimaadaan miiska wadahadalka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Isniintii halmar wada tijiaabiyey 4 gantaal oo nooca Iskaadka ridada dheer kuwaasi oo ku dhacay bada dalka Japan, tilaabadaasi ayey uga jawaabeysay dhoolatus ay si wadajir ah u sameenayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Salaasadii shalay ayuu Maraykanka dalkaasi Kuuriyada Koonfureed geeyey Gantaalada difaaca ee loo yaqaan Thaad, arrintaasi oo ay China si weyn uga soo horjeedo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *