Ciidamada Abiy Ahmed oo rasaas la beegsaday Saraakiil ka socda UN-ta

Published: December 9, 2020

Militariga Federaalka Itoobiya ayaa xaqiijiyey inay xireen 4 sarkaal oo ka socday Qaramada Midoobay oo booqanayey ismaamulka Tigrayga.

Afhayeenka dowlada Itoobiya Ridwan Xuseen

Ciidamada Dowlada Abiy Ahmed ayaa sidoo kale la sheegay inay rasaas ku fureen gaadiidka waday xubnaha ka socday Qaramada Midoobay oo doonayey inay xaqiijiyaan amniga wadooyinka taga gobalka Tigrayga si halkaasi loo gaarsiiyo gargaarka caalamiga ah.

Afhayeenka dowlada Itoobiya Ridwan Xuseen ayaa sheegay in wafdiga ka socday UN-ta aysan la socodsiin goobaha ay booqanayaan taasi oo sababtay inay kadis ku noqoto ciidamada dhulkaasi ku sugan ee lagu eedeeyey inay weerareen saraakiish Qaramada Midoobay.

“…Kooxdan waxay amar la’aan ka gudbeen labo goob oo gadiidka lagu baaro, markii ay damceen inay isbaaro sadexaad ka gudbaan ayaa rasaas loogu digay isla markaana la xiray…”

Ridwan Xuseen

Afhayeenka Abiy Ahmed ayaa sheegay in laga doonayo UN-ta inay marka hore fasax ka qaadataan dowlada Itoobiya marka ay booqanayaan gobalkaasi Tigrayga.

Todobaadkii hore ayey dowlada Abiy Ahmed ogolaatay cadaadis uga imaanayey caalamka in la furo wadooyinka taga Tigray si loo caawiyo dadka ku nool gobalkaasi uu dagaalka ka socdo muddo ka badan hal bil.

Guddigan ka socday UN-ta ayaa doonayey inay booqdaan xerada Qaxootiga lagu hayo ee Shimelba.

Inkastoo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sheegay in lasoo afjaray dagaalka ka socda ismaamulka Tigrayga ayaa hadana xaalada gobalkaasi lagu sheegay mid kacsan iyadoo ay weli jiraan iska horimaadyo dhexmaraya ciidamada Federaalka iy xoogaga Tigrayga.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *