Ciidamada amaanka ee Caabudwaaq oo gacanta ku dhigayAskari dil geystay

Published: July 19, 2022

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galmudug gaar ahaan Caabudwaaq ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen, Asakari ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya oo dhawaan dil ka gaystay magaaladaasi.

Askariga gacanta lagu dhigay ayaa ku eedeysan in uu dil u gaystay taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugidda Maamulka Goboleedka Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis.

Ciidamada ayaa Askarigaan baadi goobayay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana loogu sheegay in uu u baxsaday dhinaca Gobolka Mudug, hayeeshee ay ka qabteen degaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.

Sidoo kale Askariga gacanta lagu haysto dilka taliye kuxigeenka ayay sheegeen Mas’uuliyiintu in cadlaadadda la horgeyn doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *