Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo xiray wadaad lagu eedeeyey inuu faafiyo fikirka Al-shabaab

Published: November 14, 2022

Ciidamada Amniga ee Dowladda Soomaaliya ayaa xiray Mustafe Cali Caanood oo ay ku eedeysay inuu faafiya Fikirka Ururka Al-shabaab.

Warsaxafadees ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri “Hawlgalka lagu qabtay Mustafa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana laqabtay xilli uu isku dayay in uu ka baxsado Ciidamada Amniga”

Sidoo kale waxaa intaas lagu daray “Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa sheegtay in Mustafa la horgeyn doono sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo.

Dawladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay mar kale ku celinayso in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha Ururka Al-shabaab.

Horseed Media