Ciidamada ATMIS oo soo gaba gabeeyay Wajigii labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya

Published: February 3, 2024

Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya oo ay ka wadeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa Jimcihii sheegay in la soo gaba gabeeyay wajigii labaad ee dhimista ciidamo gaaraya 3,000 oo askari kadib afar bilood oo dib loo dhigay.

Xukuumadda Federaalka ayaa horey u codsatay “hakin farsamo” oo saddex bilood ah ka bixitaanka ciidamadan oo horey u qorsheysnaa in la sameeyo bishii Sebtembar

“Howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS)…wuxuu soo gabagabeeyey wejigii labaad ee dhimista, kaasoo ku saabsan dhimista tirada ciidamada 3,000 oo askari,” ayaa lagu yiri warbixin ay ciidamadu soo saareen..

ATMIS ayaa todoba xarumood oo hore uga hawlgeli jirtay ku wareejisay ciidamada dawladda federaalka, halka la xiray laba saldhig.

“Waxaan dhawaan bilaabi doonaa diyaarinta wajiga soo socda, wajiga saddexaad, si loo dhimo tiradayada 4,000 oo askari bisha June,” ayuu yiri Lieutenant General Sam Okiding.

Labadii waji ee hore ee ka bixitaanka ayaa la dhimay 5,000 oo askari.

Ilaa 14,600 askari oo laga kala keenay Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa wali ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Horseed Media