Ciidamada Booliiska Gobolka Bari oo la faray in ay xoojiyaan Amaanka Boosaaso

Published: May 20, 2021

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir Guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee amniga, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen Saraakiisha Laamaha Amaanka iyo kuwa sirdoonka ee Gobalka Bari.

Shirkaan ayaa inta badan maanta looga hadlay Amniga guud,iyadoo halkaasi looga mahadceliyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugidda Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo ciidamadooda intii lagu jiray Bisha Barakeysanayd ee Ramadaan.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa faray hogaanka Ciidamada in la adkeeyo Amniga gobolka isla markaana lasii xoojiyo wada shaqeynta u dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amaanka.

Si kastaba ha ahaatee Amaanka Guud ee gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay aad loo adkeeyay iyadoo Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari uu dardargeliyay dhiiragelinta Ciidanka iyo kormeeridooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *