Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Eedaysane Kasoo Baxsaday Kenya

Published: December 24, 2023

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan.

Taliska ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in Axmed oo baxsad ka ah cadaaladda uu Marxuumka ku dilay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isla markaana la horgeyn doono cadaaladda.

Horseed Media