Ciidamada dalka Hindiya oo gacanta ku dhigey markabka Ruen ee burcad-badeedu haysatey

Published: March 16, 2024

Ciidmaada Badda ee dalka Hindiya oo ku sugan meel ku dhaw byaha Soomaaliya ayaa weerar ku qaadey markab bishii Diseembar 2023 la afduubtey kaas oo lagu magacaabo Ruen.

Markaba Ruen oo ahaa nooca xamuulka ayaa bishii Diseembar 2023 waxaa buracad badeedu ka afduubteen meel ku dhaw xeebaha Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen ciidamada Hidniya ayaa lagu sheegay in markabka Ruen oo uu ka babanaayey calanka Malta ay burcad badeedu u isticmaalayeen in ay ku soo qabsadaan maraakiibta kale, taas oo u fududeysey in ay gacanta ku dhigaan markabka weyn ee laga lee yahay Bangaladesh todobaadkii hore.

“Markabka waxaa qabtay markabka dagaal ee ciidamada badda Hindiya 15-kii March. Markabku wuxuu rasaas ku furay markabkayaga, kaas oo qaaday tallaabooyin waafaqsan shuruucda caalamiga ah, is-difaaca iyo ka hortagga burcad-badeedda, iyadoo la adeegsanayo awood yar oo lagama maarmaan u ah in laga takhaluso khatarta burcad-badeedda ee maraakiibta iyo badmaaxiinta,” ayuu yiri afhayeenku.

Ciidamada Hindiya ayaa gacanta ku dhigay 35 burcadbadeed ah kadib markii ay is dhiibeen iyo 17 shaqaaalaha Markabka Reun ah.

Qabashada markabka Ruen ayaa ah afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan burcadbadeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaasoo ciidamada badda ee caalamiga ah ay joojiyeen weerarradii gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Isku dayga af-duubka ee dhawaanahan socday ayaa ku soo beegmaya iyadoo kooxda Xuuthiyiinta Yemen ay weerarro ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey gacanka Cadan iyo Badda Cas, kuwaas oo sheegay in ololahooda uu jawaab u yahay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Horseed Media