Ciidamada Danab Oo Hawgal Ku Dilay Saraakiil Ka Tirsan Alshabaab

Published: October 1, 2020

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee dowlada federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa hawgal qorshan oo ay ka fuliyeen gobolka shabeellaha hoose waxay ku dileen saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab.

Ciidamada ayaa sheegay inay hawgalkan ku dileen Cabdicasiis Awoowe oo alshabaab u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeelada hoose iyo (Abuu-qadaab) horjoogihii qaraxyada Gobolka Sh. hoose iyo lix kale.

Hawgalkan oo ay ciidamada Danab ka fuliyeen duleedka degaanka Leego, gaar ahaan tuulada Sahan-yareey oo ka tirsan degmadda Walan-weyn, ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay maxkamad ay kooxda Alshabaab dadka shacabka ah ku baadi jireen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *