Ciidamada dowladda oo si buuxda ula wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud

Published: October 30, 2022
Shares16

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka saareen Masaajid Cali gaduud, inkastoo warar kale ay sheegayaan inay Alshabaab shalay ka baxeen deegaankaas.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah Alshabaab, wuxuuna si gaar ah ugu ahaa ilo dhaqaale oo ay ku uruursadaan xoolaha ay ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay dowladdu sheegtay.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in xoraynta deegaankaan ay Alshabaab uga dileen in ka badan 100 dagaalame oo ay ku jiraan horjoogayaal sare sare.

Sabtidii hore ayay ahayd markii Al-shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaan kadib markii dagaal rogaal celis ah oo ay kusoo qaadeen.

Horseed Media