Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan

Published: August 13, 2022
Shares2.6k

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Booliska dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa howlgalka ka dhanka ah ururka Al Shabaab ka wada deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo ay wehlinayeen guddoomiyeyaasha Maxaas iyo Matabaan.

Saraakiisha Ciiidamada iyo Masuuliyiinta Maamulka Hiraan ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray hawlgalka ka socda gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 10 degaan ay kala waregeen Shabaab, kuwaasoo u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa HirShabelle ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegaano dhowr ah oo hoostaga gobolka Hiiraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *