Ciidamada Israel oo shacab iska dhigay oo weeraray isbitaal ku yaal Jenin, West Bank -Video

Published: January 30, 2024

Ciidamada Israel oo aad u hubeysan oo iska dhigay shacab, dhakhaatiir iyo haween ayaa weerar kadis ah ku qaaday isbitaalka magaalada Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed ee Falastiin.

Militariga Israel ayaa sheegay inay saddex nin ku dileen Isbitaalka Jenin ee Ibn Sina, iyagoo ku andacoonaya inay xubno ka yihiin “Ururka Argagaxisada Xamaas” oo qorsheynayay inay fuliyaan weeraro argagaxiso.

Muuqaalka ay duubeen kameeroyinka isbitaalka ayaa muujinaya askartan oo aad u hubeysan oo isu soo ekaysiiyey shacab oo isbitaalka ka dhex raadinaya dhalinyaro reer falastiin ah oo dhaawacooda isbitaalka lagu dabiibayey, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanayeen kooxaha Guutada Jenin iyo Islamic Jihad.

Horseed Media