Ciidamada Israel oo weeraray, gudahana u galay isbitaalka Nasser

Published: February 16, 2024

Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaaday isbitaalka ugu weyn koonfurta Gaza ee Nasser, halkaasi oo ay sidoo kale ku jireen kumanaan dad bara-kacayaal ah.

Isbitaalka Nasser ayaa go’adoon ku jiray asbuucyadii lasoo dhaafay, iyadoo ciidamada Israel ay jareen dhamaan wadooyinka isbitaalkaasi taga.

Duqeyn xoogan ayey la beegsadeen qeybo kamid ah isbitaalka ciidamada Israel oo xalay gudaha u galay isbitaalka kuna khasbay inay dadka halkaasi ka baxaan.

Dhamaan dhaawacyadii yaalay isbitaalka, shaqaalaha iyo dadka rayidka ah ayaa lagu aruuriyey hal daar oo kamid ah qeybaha uu isbitaalka ka koobnaa, waxaana dhintay 4 kamid ah dhaawacii yaalay qeybta xaalada deg degta ah, kadib markii korontadii laga jaray isbitaalka.

Maaha markii ugu horeysay oo ay Israel weerar noocaan ah ku qaado, waxayna sidan horey ugu soo burburiyeen isbitaaladda ku yaal waqooyiga iyo bartamaha Gaza.

Horseed Media