Ciidamada Itoobiya oo TPLF ka qabsaday saddex magaalo oo u dhow caasimadda Tigray ee Mekelle

Published: October 19, 2022
Shares52

Sida ay shaacisay dowladda Itoobiya, Ciidamadeeda ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, kuwaas oo laba kamid ah ay u dhow yihiin magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya.

Maamulka Tigreega ayaan weli ka hadlin warkan ka soo baxay dowladda, iyadoo ay horey u qireen inay gacantooda ka baxday magaalada Shire oo ah magaaloo istiraatiiji ah, oo ku taalla qiyaastii 140 km (90 mayl) waqooyi-galbeed ee Mekelle.

Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal goos-goos ah kula jiray ciidamada Tigrayga muddo labo sano ah, waxaana colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Horseed Media