Ciidamada Jabuuti oo la wareegay xarumaha degmada Jalalaqsi-Hiiraan

Published: October 6, 2019

Dagaal kooban oo saaka ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa keenay in ciidamada Jabuuti ee AMISOM awood ciidan kula wareegaan dhamaan xarumaha maamulka degmadaasi.

Ciidamada ka amar qaata Maamulka Degmada Jalalaqsi ayaa la sheegay in ay dagaal kala hortageen ciidamada AMISOM oo doonayey in hawada wakhti kooban laga saaro isgaarsiinta shirkada telefonada ee Hormuud iyagoo ka hortagaya in isgaarsiintaasi si khaldan loo isticmaalo xiliyada ay wadaan hawlgalada militari iyo baarista miinooyinka wadooyinka lagu xiro.

Balse maamuulka degmada Jalalaqsi ayaa la sheegay inuu kasoo horjeestay hawlaha ay wadeen ciidamada AMISOM arrintaasi oo keentay iska horimaad hubeysan oo muddo kooban socday, waxaana guud ahaan degmada laga saaray ciidamadii maamulka Jalalaqsi oo lalaga wareegay xarumihii ay ku sugnaayeen.

Weli wax faah faahin lagama bixin khasaaraha dagaalkan oo dhameystiran balse waxay dadka deegaanka ku dhaqan xaqiijinayaan inuu jiro dhimasho iyo dhawaac.

Taliska AMISOM ayaan weli arrintan ka hadlin, waxaana la filaya inay dhacdadan war kasoo saaraan saacadaha soo socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *