Ciidamada Milateriga Federaalka oo la Geeyay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud.

Published: June 17, 2020

Ciidamada milateriga iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka dowladda federaalka ayaa gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ka bilaabeen howlgal qorshaysan

Deegaanadan oo ay hore u joogeen Maleeshiyaadka Alshabaab ayay dowladda federaalku sheegtay in ciidamada Alshabaab ay ka baxeen ka hor inta ayan ciidamadu soo gaarin magaaladda.

Maleeshiyaadkii Alshabaab ee ku sugnaan degaanka ayaa u cararay dhanka degaanka wabxo oo aan sidaas uga fogaayn degaanka War-xoolo sida lagu ay faafisay wakaalada wararka ee dowlada federaalka ee Sonna.

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa muujiyay in la joogo waqti Kooxaha Argagaxisadu aysan awoodi karin in ay isku dhigaan Awooda Ciidanka qalabka sida , waxaa ayna dadka deegaanku balan qaadeen in Ciidamada qalabka sida ay kala shaqeyn doonaan Dagaalka lagula jiro Argagaxisada .

Waxaana sidoo kale ciidamadu milateriga ay fagaare ku gubeen Calanka Maleeshiyada Alshabaab iyo Astaamohooda kale

Howlgalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diiran usoo dhoweeyeen socdaalka ciidamada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *