Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-shabaab

Published: July 15, 2022
Ciidamada NISA

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyey xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada NISA ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey xaafadda Mukaya ee degmada Afgooye, waxaana Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen xubin ka tirsan Al-shabaab.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka ka dhacay Mukaya Afgooye lagu soo qabtay Nin magaciisa lagu sheegay Macallin Xaashi  oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaano hoostega degmadaas, waa sida hadalka loo dhigay.

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeynayey Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, iyagoona kusoo qab-qabtay xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo kooxo burcad ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *