Ciidamada NISA oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyey gobolka Gedo

Published: July 23, 2022
Shares24
Ciidamada NISA

Cidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgallo ka sameeyay deegaanada haanooy ,Dooryaaley iyo Abashiiro oo hoostaga gobolka Gedo.

Howlgalkan oo ahaa mid Qorsheysan waxaa horkacayay Taliye Kuxigeenka NISA ee Gobolka Gedo Gashaale Cabdiqaadir Xuseen Ibraahim Iyo Taliyaha Nabadsugida Degmada.

Saraakiisha NISA ee horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay ujeedka u yahay sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab ka fuliyaan halkaasi.

Xaaladda deegaanada deegaanada howlgalka laga sameeyey ayaa aad u kacsan, maadaama dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay wadaan labada dhinac.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *