Ciidamada PSF ee Puntland oo markii ugu horeysay soo bandhigay muuqaalka dagaalyahano Itoobiyaan ah oo ka tirsan Daacish

7 August, 2022

Muuqalkan lasoo bandhigay ayey qeyb kamid ah koox u dhalatay qowmiyadda Oromada Itoobiya uga hadleen qaabkii…

Muuqalkan lasoo bandhigay ayey qeyb kamid ah koox u dhalatay qowmiyadda Oromada Itoobiya uga hadleen qaabkii loo soo qabtay, halka ay ka yimaadeen iyo goobta ay kusii jeedeen.

Kooxdan oo gaareysa 7 dagaalyahan ayaa lagu qabtay gobalka Bari xili ay kusii jeedeen dhulka buuraleyda ah oo ay ku sugan maleeshiyaadka Daacish.

Hawlgalkii bishii June ee sanadkan ee lagu soo qabtay raggan ayaa ahaa hawlgalkii ugu horeeyey oo hal mar lagu qabto tiro intaas la eg oo ah dagaalyahano ajaanib ah oo dalka u yimid inay ku biiraan kooxda Daacish.

Hogaanka kooxda Daacish ayaa la sheegay inuu dhawaan la wareegay nin u dhashay qawmiyada Oromada, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay sare u qaaday tirada Itoobiyaanka doonaya inay kooxdaasi ku biiraan.

Qeybtan hore ee lasoo bandhigay ayey qaar kamid ah ragga hadlay sheegeen in lagu khiyaamay oo dadkii waday ay u geeyeen kooxda Daacish, waxayna sheegeen in kooxdaasi ka bedashay magacyadooda una bixisay magacyo cusub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *